Haween ka soo laabtay xeryaha Dhadhaab oo loo Tababarayo sida looga ganacsado kaluunka

1241

Haweenka ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa wasarada kalumeysiga iyo kheyraadka bada Jubbaland u furtay tababar soconaya 17 maalin.

Tababarkaan ayaa waxaa uu ku saabsan ka ganacsiga kaluunka iyo nadaafadiisa iyo sida lagu kala ogaado kalunka fiican iyo kan aan wanaagsanay.
Waxaana ujeedada tababarka ay tahay in la kaabo dhaqaalaha ay helayaan Haweenka ka ganacsada kaluunka.

Tababarkan ayaa loo qabtaya haween tiradoodu gaadhayso 30 dumar ah,waxaana tababarka wasarada kalumeysiga Jubbaland ka caawisay hay’adda GIz ee Iskaashiga Dalka Jarmalka.

Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim ayaa maanta Xarunta kaah ee kalumeysiga ka daafuray tababarka.
Ugu horeyn qaar ka mid haweenkii loo qabtay tababarka oo la hadlay Radio kismaayo ayaa ka warbixiyay sida ay oga faii’deysanayaan tababarka

Dhankale gudooniyaha iskaashada kalumeysiga ee Jubbaland C/raxmaan Maxamed Faarax ayaa haweenka faray in ay sifiican uga faa’iideystaan casharada kusaabsan kalumeysiga ee wasaradu bixinayso.

Cabaas Cali Ibraahim wasiirka wasarada kalumeysiga iyo khayraadka Badda ayaa sheegay in haweenka qaatay tababarka in lasiin doono agabyo ay ku shaqaystaan oo ay Istimaalan Kaluunka si uusan uga xumaan inta uu suuqa yaalo ama goobaha haweenka ay ka soo qaadan kaluunka.