Doorasho maanta ka dhacaysa Baydhabo.

949

Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa ay maanta dooranayaan afar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo ka mid ah 8 kursi ee Baydhabo  ka soo galaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Siddeed musharax ayaa u tartamaysa kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Baydhabo,  iyagoo musharaxiintana ay ku jiraan xubno cusub oo aan hore uga tirsanayn Senatorada Aqalka Sare.

Doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee ka dhacaysa magaalada Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya guddiyada doorashooyinka Faderaal iyo guddiga xalinka Khilaafaadka.

Dhanka kale waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.