Shir looga hadlaayey adeegyada garsoorka Jubbaland oo Kismaayo lagu qabtay

1000

Wasaaradda Cadaalada,Awqaafta iyo Arimaha Diinta Jubbaland ayaa manta shir u qabatay bahda Cadaalada ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaayey sidii loo xoojin lahaa arimaha cadaalada iyo garsoorka iyo waliba sidii sarre loogu qaadilahaa adeegyada dhinaca cadaalada ee deegaanadda Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Ururadda Bulshada Rayidka ee  Jubbaland,Hay’adda UNDP iyo Xafiiska qaramadda midoobey u qaabilsan soomaaliya.

Professor Cabdullahi Sheikh Shaafici oo midda masuuliyiinta Dallada Junza ayaa ugu horayn ka hadlay shirka looga hadlaayey arimaha cadaalada iyo waliba adeegyada gorsoorka.

 

Afhayeenka salaadiinta dhaqanka ee Jubbaland Ugaas Cumar Xiirey ayaa dhankiisa sheegay in ay wangsan tahay in la wada shaqeeyo adeegyada gorsoorka iyo cadaalada.

 

Shirkaan ayaa goob jog ka ahaa wasiirka wasaaradda Cadaalada,Awqaafta,Arimaha Diinta Jubbaland Maxamed Cumar Yuusuf isaga oo xusay ahmiyada uu leeyahay shirkaan.