Maraykanka Oo Oggolaaday Codsiyada Muwaadiniinta Soomaalida Iyo Dalal Kale Ee Aan Sharciga Lahayn

967

Hay’adda Adeega Muwaadinimada iyo Socdaalka ee dalka Maraykanka waxay ku dhawaaqday inay aqbaleen Codsiyada Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee TPS oo la siinayso Muwaadiniinta Soomaalida ee aan Sharciga lahayn ee ku nool Maraykanka.

Shir Jaraa’id oo ay Hay’addu shalay oo Arbaco ahayd qabtay ayey ku iclaamisay inay aqbaleen Codsiyadda Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee Joogitaanka Maraykanka ee TPS ee la siinayso Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Syria, Yemen, Venezuela iyo Myanmar.

Muwaadiniinta shantaasi waddan ee loo oggolaaday Joogitaanka Maraykanka waxaa loo oggolaaday inay muddo 2 sano ah ku nolan karaan, kana shaqaysan karaan gudaha Maraykanka.

Nidaamka Badbaadada KMG ee Joogitaanka Maraykanka waxaa la siiyaa Muwaadiniinta ay dalalkooda uga soo cararay Masiibooyinka Dabiiciga, Dagaallada iyo Qalaalsaha Siyaasadeed iyo Amni.