Faah faahin dheerada oo ka soo baxaysa diyaarad ku dhacday Degmada Ceelwaaq.

1029

Diyaaradani oo aheyd nooca rakaabka qaada islamarkaana ka soo kicitintay magaalda Nairobi ee caasimada dalkaasi Kenya,kuna ku sii jeeday Ceelwaaq Kenya ee gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa saaka ku bur-burtey Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

.
Diyaaradani oo sidey 45 qof oo rakaab ah, kuwaasi oo badankoodu ahaa soomali ayaan wax dhibaato ah ka soo gadhin shilka diyaaradeed ka dib markii ay ku timid cilad farsamo.
Diyaaradda ayaa soo Cagadhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo ah garoon aan inta badan sidaas loo isticmaalin.
Xassan Ibraahim Aadan oo ka mid ahaa goob joogayasha markii uu Shilkaan dhacaayey ayaa Radio Kismaayo uga waramay sida ay wax u dhaceen.

Wariye Maxamuud Saciid Fowzi