RW Rooble oo shaaciyay in Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxmed Islaam uu kula xisaabtami doono Doorashada.
RW Rooble oo shaaciyay in Madaxweynaha Jubbaland uu kula xisaabtami doono Doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta sabti ah soo gaba-gabeeyay safar maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka safarkiisa Kismaayo uu qeyb ka yahay arrimaha hirgelinta doorashooyinka oo ku tegi dooni dhammaan Magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.
Waxaa uu sheegay Rooble inuu soo indha-indheyn doono goobaha doorashooyinka iyo amnigooda, isla markaana kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda maamulada iyo shacabka kunool Magaalooyinka oo socdaalka ku tegayo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay, isagoona sheegay inuu ka qeyb galay kulamo ka dhacay Kismaayo .
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Axmed uu kula xisaabtami doono doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey, isla markaana isagana uu ku kormeerayo hirgelinta doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay Magaalada Garbahaarey, wuxuuna halkaas kula kulmi doonaa Maamulka degmada iyo guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, isagoona kala hadli doona doorashada iyo xaaladda guud ee deegaanka.