Dhallinta isu xilqaantay ololaha qurxinta magaalada maalmaha xoriyadda oo ka hadlay waxyaalaha ku kalifay isxilqaankooda?

958

Dhallinyaradan oo isugu jiray arday, ciyaartooy iyo dhallinyar kale oo ka kala socotay xaafadaha magaalada Kismaayo oo isugu jiray Rag iyo Dumar ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday magaalada olole rinjiyeyn ah oo astaamaha qaranka iyo tan dowlad goboleedka Jubbaland ay ku xardhayeen goobaha muhiimka ah ee magaalada, ayagoo sidoo kale qurxinayay Taalooyinka iyo dhirta ku teedsan hareeraha laamiga dheer ee magaalada.

Madaxweynaha Jubbaland iyo wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa dhallinyartan la qaatay kulamo lagu dhiirigelinayay dhallinyartan.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano ujeedka ololaha ay bilaabeen dhallinyartan ayaa wareeysi la yeellannay gudoomiyaha Nasro Foundation oo ah ururka ay ku mideeysanyihiin dhallinyarta, Nasro Xaaji Xuseen, waxay inoo sheegtay in ujeedkooda uu ahaa in maalmaha xoriyadda ay magalada Yeelato bilic qurxoon iyo in ay dhallinyarada kale u muujiyeen in ay wanaagsantahay in danta guud looga shaqeeyo si iskaa ah.

by nuur bashiir Cali