Shir looga hadlaayey sidii dadka dan-yarta ah looga caawin-lahaa arimaha shirciga ah ayaa lagu qabtay magaaladda Kismaayo

912

Wasaaradda Garsoorka,Cadaalada iyo arimaha diinta Jubbaland ayaa manta magaalada Kismaayo ku qabatay shir looga hadlaayey sidii dadka aan awoodin  Kaalmada dhinaca shirciga ah looga caawin lahaa.

Kulankaan ayaa waxaa Goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Garsoorka,cadaalada iyo Arimaha diinta Maxamed Yuusuf Cumar,masuuliyiin ka socday wasaaradda haweenka arimaha haweenka iyo xuquul insaanka.

Muhiimada kullankan ayaa aheyd sidii qof walbo oo miwaadin ah  oo aan u helli lahaa kaalmada dhinaca  sharciga ah  iyo in lafahmo sidee u shaqeeyo  kaalmada sharicga.

 

ugu horayn waxaa kulanka ka hadalay gudomiyaha maxkamada sare Jubbaland ahna gudomiyaha gudiga adeega garsoorka Jubbaland DR Cabdishakuur  Sheekh Mohamed,waxaana uu ka sheekeyey  habka adeegsiga sharciyeedka,isaga oo bogaadiyey barnaamijka manta ay qabato manta.

xeer ilaaliyaha guud ee jubaland mohamed shekha Cusmaan  ayaa sidoo kale ka hadalay kullanka, isagoona ka sheekeyay muhimada kaalmo sharciyeedka iyo faa’iida.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Cadaalada iyo arimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa ugu danbayntii kulanka soo xidhay.