Kismaayo oo lagu qabtay kulan looga hadlayay xal u helidda xaaladaha ka jira Gobolka Gedo

934

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan qado sharaf iyo is-xogwareeysi ah la qaatay xubnaha labada gole ee dowladda Jubbaland ee kasoo jeeda Beesha gobolka Gedo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee Jubbaland gaar ahaan tan gobolka Gedo iyo sida ugu macquulsan ee xal waara looga gaari karo arrimahaasi.

Madaxweynaha ayaa xubnaha labada gole ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan dadaallada ay wado Jubbaland ee lagu dajinayo xaaladaha gobolka Gedo, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay xal waara oo laga gaaro arimahaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka in ay ilaaliyaan nabadgelyada bulshada gobolka Gedo una hiliyaan nabadda iyo hormarka gobolka.