Wararka Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Anisixintii Golaha Wasiirada

857

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada cusub.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in waajib culus uu horyaalo Xukuumada, oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta. Madaxweynaha ayaa xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door muhiim ah ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo kaashanaysa bulshada Jubaland.

Madaxweynahu wuxuu uu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himilooyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda.

Madaxweynaha ayaa gaba gabadii Guddoonka Golaha iyo Xildhibaanadaba ku amaanay sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxada leh ay Xukuumadan cusub guda gasho.

DHAMMAAAD