Milatariga soomaaliya oo sheegtay in hub farabadan ku qabatay dagaal ka dhacay Hiiraan

1123

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli  howlgal qorsheeysan kawada degaanka Ceelbacad oo hoostaga degmada buulo burde ee gobolka Hiiraan,halkaas oo shalay dagaal xoogan ay kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda ay weerareen degaanka ceelbacad, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in weerarkaas uu ka dambeeyay kadib markii ay ka warheleen weeraro qorsheeyeen Al-Shabaab.

Taliyaha Qaybta 27-aad ee ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Gen. Tareedhisho, ayaa warbaahinta u sheegay hawlgalkaas qorshaysan lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo khasaare kala duwan la gaarsiiyay.

Gen. Tareedhisho ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo Al-shabaab ah, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay lahaayeen Al-Shabaab.