Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magacaabay Xubnaha Jubaland uga mid noqonaya Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowalada Jubbaland ayaa waxaa Guddiga Doorashada Heer Federaal ugu magacaabay laba xubnood, kuwaasi oo kala ah Xaawo Xaaji Maxamed iyo Cabdi Xiis Udan.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Warfaa Maxamed Jaamac iyo Axmed Yusuuf Maxamuud u magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo horey Madaxda dowladda iyo maamul Gobooleedyada ugu heshiiyeen.
Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe Liiska xubnaha Guddiga uu u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddiyada.