Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Oo Maanta Magaalada Kismaayo Ka Daahfuray Imtixaanka Qaranka Oo Ka Bilowday Deegaanada Jubbaland

898

Waxaa maanta magaalada kismaayo ee xarunta kmg dowlad goboleedka jubbaland laga daah furey imtixaanka shahaadiga ah ee fasalak 12 aad ee dugsiga sare iyadoona ay kaqayb galeen 1221 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho guud ahaan  deegaanada jubaland

imtixaamka shahaadiga ah ayaa waxaa maanta looga fariistey dhamaan gobolada  dalka marka laga reebo deegaanada Puntland oo aan qayb ka ahayn imtixaamaadka dowlada sanadkii todobaad ay qaadayso wasaarada waxbarashada dalka.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ayaa waxaa deegeanda jubbaland lagu galayaa 9 xarumood guud ahaan, kuwaasi oo ku kala yaala 7 degmo oo kamid ah degmooyinka  dowlad goboleedka jubbaland.

Magaalada kismaayo ee xarunta kmg maamulka jubaland waxa uu imtixaamka shahaadiga ah ee fasalka 12 aad ka qabsoomay saddex xarumood oo ay ardayda ku galayaan.

Daahfurka maalinka koowaad ee imtixaamka ayaa waxaa ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka  jubaland maxamuud sayid aadan iyo sidoo kale wasiirka magacaaban ee wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sarre ee jubaland cabdi naasir seeraar maax

aar kamid ah ardeyda manta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah ayaa ka hadlay dareenkooda.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sarre ee jubaland mudane axmed siyaax cusmaan ayaa waxa uu faafaahiyay imtixaanka guud ahaanba manta ka dhacaayo deegaanada xorta ah ee jubaland, tirade guud ee u fariisanayso, iyo goobaha uu ka dhacaayo.

 

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee jubaland mudane maxamuud sayid aadan oo sitoos ah udaahuray imtixaamka ayaa ardayda guud ee jubaland manta ufariisatay imtixaamka kula dardaarmay in ay nafsadooda ku kalsoonaadaan sidoo kale waxa uu carabaabay farqiga udhaxeeya imtixaamkan iyo kuwii sanadihii hore waxaana uu sheegay in sanadkaan uu jirro koror dhanka gabdhaha oo sanadihii hore ka badan kuwa manta u fariisanayo.

 

Imtixaamka shahaadiga oo sanadkii 7aad oo xariir ay qaadayso wasaarada waxbarashada dalka ayaa sanadba sanadka kasii dambeeya waxaa ay wasaarada waxbarashada dalka kusamaysaa isbadal xoogan waxaana sanadkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay imtixaamkaasi ku dhacay arday tiradoodu gaarayso ku dhawaad 8000 oo arday oo ubadan gobolka banaadir.