Shirka Madaxda Soomaalida oo maanta soo gabagabeyn doono shirka looga hadlayo doorashooyinka  

973

Waxaa maanta Khamiista  lagu wadaa in heshiiska doorashada  lagu saxiixo xerada Afisyooni kadib wada hadal muddo todobaad ah u socdday R/Wasaaraha xilgaarsiinta  Soomaaliya, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.

Madaxda Soomaalida ayaa la filayaa in maanta ay si rasmi ah u soo saaraan  warmurtyeed, kaasi oo qeexaya heshiiska ay ka gaareen doorashooyinka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb geli doono Ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir, halka sidoo kale lagu casuumay madaxweyneyaashii hore ee dalka   Shiikh Shariif, Xasan Shiikh iyo madaxweyne  Farmaajo, iyadoona la filayo in madaxda khudbado ka jeediyaan munaasabada.

Warar ay heshay Radiokismaayo codka jubbaland  ayaa sheegaya in heshiiska uu noqonayo inta badan isafgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii ay ku gaareen halkaasi.

Diyaar garowga munaasabada ayaa haatan waxaa ay ka socotaa xerada Afisyoioni ee Mgaaalada Muqdisho, iyadoona maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeyn doono shirka looga hadlayay doorashooyinka Soomaaliya