Jubbaland Oo Qaramada Midoobay Kala Hadashay Xaaladdo Taagan

1000

Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay’adaha UNHCR, WHO, UN OCHA WFP iyo kuwo kale.

Kulankaan ayaa looga hadlayaa Soo laba kaclaynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in Dowlada Jubaland ay ku garab istaagayaan dadaalka ay ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo Xaalada kale ee bini’aadantinimo taas oo ay qeyb ka tahay sidii loo abuuri lahaa qorshe waara oo lagaga hortagayo Xaaladaha noocan oo kale ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay ayaxa ku habsaday qeybo badan oo Jubaland kamid ah iyagoo balan qaaday in ay Dowlada ka tageeri doonan sidii dhibaataas ay uga soo kaban lahayeen beeraleeyda iyo xoolaleeyda deegaanka.