Qoorqoor Oo Kulamo La Qaatay Madaxweyneyaashii Hore Ee Dalka Iyo Kheyre

1008

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo shalay gelinkii dambe soo gaaray muqdisho ayaa xalay Hooygooda ku booqday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen mas’uuliyiintan ayaa waxaa uu ahaa mid kuqotomay kala warqaadasho xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maareyn lahaa Marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku marayo.

Wararka kulanka laga helay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka dalbaday Madaxweynaashii hore iyo ra’iisul Wasaare hore in xaalada la dejiyo, isla markaana sigaar ah looga wada hadlo shaqaaqooyinkii maalmo ka hor dhacay.

Kulamada ka dhacay Muqdisho ayaa ka dhacay, kadib markii uu Codsaday Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray Caasimadda, si uu uga qeyb galo Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.

Xiisad siyaasadeed ayaa haatan u dhexeeysa dowladda Federaalka ee waqtigeeda idlaaday iyo Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kadib is hor istaagii dowladda ku sameeysay banaanbixii Musharaxiinta, sidoo kalena lagu rasaaseeyay Musharaxiin ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/Shakuur, C/kariin Guuleed iyo xubno kale.