Dhagayso:Wasaarada cafimaadka Jubbaland oo lagu wareejiyey agab looga hortago covied-19.

1024

Wasaarada Caafimaadka Jubbaland ayaa agabyo loogu hortago caabuqa corona virus kala wareegtay hay’adda save the children.

Agabyadan ayaa isugu jira saabuunta gacmaha lagu dhaqdo, shaabooyin iyo agabyo kale iyadoona la gaarsiidoono degmooyinka Afmadoow, Dhoobleey iyo kismaayo,waxaana agabkaan qaybin doona ilaa 58 shaqaala ah oo ka shaqeeya wacyigalinta Caabuqa Corona-viurs.

Agabkaan ayaa loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan dadka u nugul caabuqa Covied-19,sida dadka ku jira xeryaha barakacayaasha Kismaayo,dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Kenya iyo dadka kale ee dan-yarta ah  sida Radio Kismaayo u sheegay Dr Maxamed Bashiir Nuur oo ah agaasimaha waaxda Adeegyada Cafimaadka.

DR Maxamed Bashiir Nuur ayaa sheegay in Todobaadkii hadda la soo dhaafay wasaarada cafimaadka Jubbaland ay baadhitaano Cafimaad ka samaysay deegaano ka tirsan degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose oo dadkii la baadhay ay qaar ka mida noqdeen positive oo laga hellay covied-19.