Wasiir Beyle iyo Gudoomiye Filish oo heshiis kala saxiixday

1186

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.

Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan  uu qeyb ka yahay deyn cafinta oo dowladdu ku bixisay dadaal sidii dalka looga cafin lahaa  miradhalkeedana uu heshiiskaan lagu hormarinayo Magaalooyinka uu qeyb ka yahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa ka hadlay ahmiyada mashruucani ayaa xusay in maamulka gobolka Banaadir si wanaagsan ay ku hirgali doonaan Mashruucaan.