Barnaamijka Nabadda iyo Dhalinyarada ayaa todobaadkan looga hadlay sida ay dhalinyarada uga faa’iideysan karaan wax soo saarka dalka, gaar ahaan dhanka beeraha.
Barnaamijka waxaa marti ku ahaa Bashiir Maxamed Nuur iyo Xasan Maxamed Max’uud oo kamid ah ardeyda wax ka barata Jaamacadaha Kismaayo islamarkaana dib uga soo laabtay xerooyinka Dhadhaab.
Bashiir ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahanyahay in ay wax kasoo saartaan dhulkooda hodanka ku ah kheyraadka kala duwan ee uu Eebbe ku maneystay.
Waxa uu xusay in Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u badan, si looga faa’iideystana ay muhiim tahay in dhalinyaradu bartaan culuumta beeraha si ay ula soo baxaan kheyraadka eebbe ku maneystay dalka.
Dhinaca kale, Xasan Maxaxmed Max’uud ayaa uga digay dhalinyarada Tahriibka u aada dalalka shisheeye, isagoo sheegay in dhulka qurxoon ee ay xiiseynayaan uusan quruxda si dabiici ah u helin, balse ay dhalinyaradiisu halkaa gaarsiiyeen.
Waxa uu dhalinyarada ku booriyay in ay sharaf ku leeyihiin dalkooda, noloshooda iyo tan bulshadoodana ku horumarin karaan haddii ay lasoo baxaan kheyraadka dalkooda.
Halkan hoose ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran;