Gen: Cabdi Mahdi oo ku baaqay in si wadajir ah loo ilaashado Amniga Jubbaland

1248

Waxaa maanta magaalada Kismayo shir jaraa’id ku qabtay Generaal Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Jubbaland ee dhanka amniga,shirkaasi oo uga hadlaayey shaqaaqadii maalintii Khamiista ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Generaal Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa cambaareeyey dhacdadaasi isagoo dowladda Jubbaland faray in baaritaan lagu sameeyo sababta ka dambeysay arrintaasi.

Generaal ayaa Musharixiinta u sharraxan qabashada xilka Maddaxtinimo ee Jubaland faray in aysan magaalada u horseedin carqalad islamarkaasina ka shaqeeyaan daganaanshaha deegaanka.

Generaal Cabdi Mahdi Cabdisalaan La-taliyaha Madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay shacabka Jubbaland in ay ilaashadaan nabadgelyadooda islamarkaana ka shaqeeyaan xasiloonida iyo midnimada dadka Jubbaland.