Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland oo ku baaqay in siwadajir ah loga Wada qeeb qaato olalaha nadaafada

1409

Magaalada Kismaayo maalintii saddexaad waxaa ka socda olole nadaafadeed laguna hagaajinayo bilicda magaalada ka hor curashada roobka Gu’ga.

Ololahaan ayaa looga hortegayaa qashin xilliyada roobka lagu arko waddooyinka biyo fariisadka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada, siiba kuwa u dhow xeebaha.

Ololahaan waxaa wada maamulka  degmada Kismaayo iyo ururada haweenka degmada Kismaayo.

Goobo ay kamid ah waddada laamiga ah gaar ahaana nawaaxiga Xarunta madaxtooyada iyo xarumaha kale ee Dowladda ayaa Maanta laga sameeyey ololaha nadaafadda.

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka gobolka Jubbada Hoose Faaduma Aadan Kateelaa ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka uu U socdo ololaha nadafadda iyo xaafadaha ay ka sameeyeen.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeena labaad ee Jubbland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa bogaadiyey haweenka Samaynayey ololaha nadaafadda, wuxuuna ku booriyay in ay sii wadaan.