Maamulka Gobolka sh/hoose oo faahfaahiyey la wareegidii deegaanka Bariire

1452

Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa saakay maleeshiyaadka kooxda argagaxixisada Al Shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeelaha hoose kadib weerar qorsheysan oo halkaasi ka dhacay.

Maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab ayaa isaga cararay deegaanka Bariirre oo mudooyinkan ay ku dhibaateeynayeen shacabka Soomaaliyeed isla markaana howlgalkaan uu u dhacay sida loo qorsheeyay sida uu warbaahinta dowlada  u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ciidanka Danab ayaa markii ay la wareegeen deegaanka Bariirre kadib waxaa ay halkaasi ka bilaabeen howlgalo ay ku baacsanayaan firxadka kooxda argagaxisada ah Al Shabaab si ay uga cirib tiraan haraadiga kooxdaasi iyo sidoo kale howlgalo lagu baarayo Wadooyinka deegaanka Bariirre si looga hortago miinooyinka ay ku aaseen Wadooyinka loo soo saaro.

Maamulka Gobolka hoose ayaa sheegay in deegaanka Bariirre ay dhawaan geynayaan maamul iyo nidaamka Dowladnimo si loogu adeeego shacabka Soomaaliyeed ee deegaankaasi ku nool iyo sido kale in  halkaasi la geyn doono gurmad dag dag ah inta aan la gaarin bisha barakeysan ee ramadaan oo maalmo ay naga xigaan.