Habkeesa loo maraa sharciyaynta dhulka ku yaala jubbaland

1459

Hay.ada dhulka jubbaland ayaa  shegaty in ay meel wanaagsan marayaan sharciyada dhulka

Eng Nuux Cabduwahaab Maxamed  oo ah masuul ka tirsan Hayada dhulka jubbaland ayaa Wxa uu ka warbixiyay qorshihii ahaa in la sharciyeeyo dhulka jubbaland

Waxa uu sheegay in ay bulshada ay ku qanceen sharciga loo sameenayo dhulka

waxa ay markii hore Bulshada  ku wareersanaayd sharciyaynta dhulka, sida uu sheegay eng Nuux Cabduwahaab Maxamed oo wareysi gaar ah siinayay radio kismaayo codka jubbaland

Habada waxaan weedinay sida loo kala saaro  dadka isku haysta dhulka  waxa uuna yiri sidaan

qofka marka ugu horayso waxa uu qadanayaa formka  loo yaqaano F1E  waxa uu ku soo qorayaa  cabashadiisa  dhulka laga haysta ama lagu haysto , sida uu ku lahaanday, waxa ay ku salaysan tahay cabashada,  waqtiga laga qabsaday  dadka ka haysta nooca ay yihiin . ka dib waxa uu ku soo lifaqayaa  wax cadenaya  sida uu dhulkaa ku lahaaday  feelkaas hadduu obosiibo ahaa waxa uu u gudbayaa  Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 11 xubnood  oo laga soo dhax xulay mujtamaca ku nool magalada kismaayo.  kow iyo tobankaas sharciga waxa uu dhigayaa ugu yaraan todoba ka mid ah  go.aan kasta oo laga gaarayo wa in ay isku waafaqaan

Dhabaha ay marayaan  waxaa ka mid ah

Qofka marka uu soo cawdo  in qofka ay  cabashadiisa  dhageystaan  ka dibna ay la kulmaan  marqaatidiisa iyo jiraankiisa qaarkoodna la dhaariyo

sidaasi la mid ah waxa ay formka kale siiyaan qofka laga soo dacwooday isagana  uu isu difaaco dhiniciisa isgana marqaatigiisa iyo jiraankiisa aye la kulmayaan wa ayna dhaariyaan  ka dibna labadii kooxood  waxa ay iskula tagayaan meeshii la isku haystay  si gudiga ay ugu  kala cadeeyaan meesha ay isku haystaan labada qolo ee kala ah midka lagu haysto dhulka ama laga haysto  .

Guddiga xalinta khilaafaadka waxa ay sameenayaan xog baaris ka dib waxa ay kulan markale laqaataan  labada qof ee isku haysata dhulka.

ka dib Guddigu go.aan ayuuu ka soo saaraa. go’aankaas uu soo saarana waa in la dhaqan galiyaa

sidoo kale waxa uu ka hadlay  tirade dadka sharciyaystay dhulka  inta  ay tiradoodu yihiin ayna gaarayaan    480 ruux

waxaana  sugaya hadda oo liska ku jira taqriiban 300 boql codsi.  waxa uuna intaa ku daray  sharciyaynta  dhulka aan khilaafka lahayn  iyo dhulka khilaafka ka jira farqi wayn ayaa u dhaxeeya  marka la isbarbar dhigo, wuuna soo urururayaa hadda dhulka uu khilaafka ka jiro.