Maamulka Degaanka Baar-sanguuni ee gobolka jubada hoose oo ka warbixiyay xaalada guud ee Degaanka

1299

Gudoomiyaha degaanka baar-asanguuni  xuseen axmed jinni  ayaa waxa uu ka hadlay xalada degaanka  gudoomiyahaayaa sheegay in Degaanku uu u baahan yahay Adeegyada Arimaha bulshada sida Waxbarsho, caafimaad,  biyo iyo adeegyo kale oo muhiim u ah Degaanka

Gudoomiyaha oo lahadlayay radio kismaayo codka jubbaland  ayaa sheegay in xiligaan baahi ween ay ka jirto deegaanka dhanka noolashana ay aad u liidato

Degaanku hal ceel ayaa ku yaala bulshadana kuma filna ceelkaas  ayaa feel loo gala Maalin iyo habeen

Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka jubbaland iyo hay,adaha  waxaan ka codsaneenaa in gurmad loo sameeyo dadka degan degaanka baar-Sanguuni  waxaa sidaasi yiri gudoomiyaha barsanguuni xuseen axmed jinni 

Degaanka baar-sanguuni waxa uu ka mid yahay degaanadii ugu dambeyay oo ay dowlad goboleedka jubbaland gacanta ku dhigto waxaana ka hor maamulayay maleeshiyaadka Alshaab oo dhibaato ku hayay shacabka degaanka

Dowlad goboleedka jubbaland ayaa hadda ku dadaaleysa  sidii wax loga Qaban lahaa degaanada laga saaro Maleeshiyaadka Alshabaab