Gudiga kheyraadka aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya oo ka Horyimid Shirka Arimaha shidaalka ee lagu qabayo London

1449

Guddiga Kheyraadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Shirka shidaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey inuu London ka dhaco 7-da Febraayo oo ku aadan maalinta bari Ilyaas Cali Xasan Guddoomiyaha guddigaasi War kasoo baxay Xafiiskiisa  ayaa lagu sheegay  in shirkan uu yahay sharci-darro, islamarkaana Soomaaliya aysan qaban karin shir noocan oo kale ah ilaa laga ansixiyo sharciga shidaalka dalka