Tahriibayaal Caan ah oo Lagu La’yahay Xeebaha Dalka jabuuti

1482

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah  lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay labo dooni oo aad loo buux-dhaafshay ku Degeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman waxa uu tilmaamay inay Doonyaha degay  ku sii jeedeen dalka Yemen oo albaab laga galo u ah Dalalka Gacanka Carabeed, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan rajo ka Qabaan inay ka heli doonaan Shaqo iyo nolol wacan.

Ciiddanka Jandermariiga ee dalka Jabuuti oo sameeyey gurmad, waxay Soo heleen 2 nin oo ka badbaaday shilkaasi iyo maydadka 5 Tahriibe.

Mid ka mid ah dadka la badbaadiyey oo da,diisa lagu qiyaasay 18 jir  Ayaa sheegay  in uu rumeysan yahay  iney 130 Rakaab la socdeen  Doonidii uu La socday  blse  uusan war haynin tirada Tahriibayaashii la socday doonida kale ee Degtay