Magalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacbaka Soomaaliya ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi (Dheere).
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah, Cabdullaahi Sheekh Maxamed, Isaaq Khaliif Sheekh, Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur iyo Xasan Macalin Ibraahim .
Musharixiinta tartantay ayaa waxaa ay codadka u kala heleen sidatan.
1:Cabdulahi sheekh maxamed oo helay 35 Cod
2:saaq Khaliif Sheekh oo helay 4 Cod
3: Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur oo helay 2 Cod
Iyo Xasan Macalin Ibraahim oo aan wax cod ah helin.
Hal cod ayaa halaabay .waxaana sidoo Ergada wax doorabeysay ka maqnaa laba xubnood
Gudiyada doorashooyinka ayaa waxa ku dhawaaqeen in Cabdulahi sheekh maxamed uu yahay xildhibaan ka tirsan barlamaanka soomaaliya madaama uu ku guuleystay doorashadii manta ka dhacady baydhabo