Kismaayo: Taliyaha cusub ee guutada 11-aad ee ciidanka xoogga oo xilkii la wareegay

1683

Ka dib markii uu magaalada Kismaayo uu soo gaaray Taliyaha ciidanka xoogda dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa Taliyaha guutada 11-aad ee qaybta 43-aad ee ciidanka dalka loo magcaabay Col. Cabdiqaadir Ibraahim Isaaq Shiino, wuxuuna maanta xilka kala wareegay Taliyahii hore ee qaybta 43-aad Gen Ismaaciil Saxardiid Kaydsane.

Munaasabada xil wareejinta ayaa saaka waxaa ay ka dhacday xarunta  Jaamacadda oo ay Deggan yihiin ciidanka xooga dalka qaybta 43aad.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay Lataliyaha  Madaxwaynaha Jubbaland ee dhanka amniga General Cabdi Mahdi ,Lataliyaha Madaxwaynaha Jubbaland ee dhanka ciidamada Sarreeye Gaas Yusuuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal , Taliyihii hore ee qaybta 43-aad General Ismaaciil Saxardiid Kaydsade iyo saraakiil kale.

Sarreeye Gaas Yuusuf Xusseen  Cusmaan Dhuumaal oo hadda si KMG ah ugu taliya Ciidanka qaybta 43-aad ayaa ugu horeyn la hadlay Ciidamada.

“Maanta laga bilaabo ma jiri doono askari hubeysan oo magaalada dhex joogi doono, mana jiri doonto in mushaarka keliya la soo doonto xilliga la qaadanayo oo inta kale magaalada la iska joogo”.

Lataliyaha Madaxwaynaha dhanka amniga General Cabdi Mahdi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay horyaalaan ciidanka iyo Taliyaha cusuba hawlo badan waajibkoodana  loo bahan-yahay in ay gutaan.

Taliyihii hore ee Qaybta 43-aad General Ismaaciil Saxardiid oo xilka ku wareejiyey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in xilka maanta uu ku wareejiyo Taliyaha  cusub taasna ku macneeyey didaamka  Dowladnimada.

Gen. Ismaaciil Saxardiid ayaa horay u hayey xilka Taliyaha qaybta, halka xilka Taliyaha guutada 11-aad uu ahaa mid cusub oo hadda lasoo magcaabay, xilkaan ayaa banaanaa muddii bur burka.

Taliyaha cusub oo la hadlay Warbaahinta Jubaland  ka dib markii uu xilka la wareegay  ayaa sheegay in uu dar-dar galin doono hawlaha horyaalla waxbadana uu qaban doono muddada uu Joogo xafiiska.