Wasiirrada arimaha dibadda Itoobiya iyo Ereteria oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

1246

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirrada arrimaha dibadda Dalalka Eritrea iyo Itoobiya,

Diyaaradda Itoobiya (Ethiopean Airways ayaa siday wasiirradan iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradaha arimaha dibadda ee Itoobiya iyo Ereteria.

Ujeeddada safarkooda wali si rasmi ah uma shaacin dowladda Soomaaliya,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan la qaataan madaxda ugu sarreysa dalka.

Dalalka Geeska Afrika ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ay lahaayeen kulamo gooni gooni ah oo lagu toosinayay xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo iskaashi ee ka dhexeeya, ayadoo ay xusid mudantahay in madaxweynaha Soomaaliya uu raysul wasaaraha Itoobiya magaalada Muqdisho kula sixiixday heshiis iskaashi dhanka ganacsiga ah.

Sidoo kale shirkadda duulimaadka Itoobiya ayaa in ka badan 40 kadib Muqdisho ka bilowday duulimaadyo.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa dalka Ereteria la gashay Heshiis dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah, kaasoo bishii July 30keeda uu saxiixay madaxweyne Max’ed C/laahi Farmaajo.