Beesha bartire oo kulan ballaaran ku taageertay nabadda, midnimada iyo horumarka Jubbaland

0
2
Kulan ballaaran oo ay beel kamid ah belahaa somaliyeed ku qabten duleedka Kismaayo ayaa si ween loogu taageeray Nabada iyo hormarada kajira Jubbaland .
Kulan ballaaran oo uu soo qabanqaabiyay Ugaaska Guud ee Beesha Bartire, Ugaas Ibraahim Ugaas Aadan Geedi, ayaa maanta lagu qabtay duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Goobweyn.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka Beesha iyadoo sidoo kale laga hadlay sidii loo sii laba-jibaari lahaa taageerada ay Beeshu u hayso Dowladda Jubbaland iyo midnimda reer Jubbaland.
Madasha waxaa ka qeybgalay Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahannada, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Odayaashii Dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa Ugaaska Guud ugu baaqay inuu dadaal dheeraad ah ku bixiyo kala saaridda arrimaha siyaasadda iyo dhaqanka, iyagoo xusay in maalmihii u dambeeyay ay si weyn isugu dhex milmeen labada dhinac.
Ugaaska Guud ee Beesha Ugaas Ibraahim Ugaas Aadan Geedi, oo gabagabadii kulanka hadlay, ayaa ugu baaqay xubnaha Beesha inay ilaashadaan midnimadooda iyo sidii loosii xoojin lahaa wadashaqeenta iyo taageerida Dowlada Jubbaland, isaga oo sidoo kale intaa raaciyay in la ilaaliyo Nabada Jubbaland maanta ka jirta iyo hormarkeeda, waxaana uu gabagabadii uu halkaasi ugu duceeyay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Gabagabadii, waxaa madasha laga soo saaray war-murtiyeed lagu adkeeyay midnimada iyo wadajirka Beesha iyo in garab istaag loo muujiyo Dowlada Jubbaland.