
Magaalada Kismaayo waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay wafti ka socday King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre (KSrelief) iyo Hay’adda Tadamun Social Society, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Kismaayo.
Waftiga ka socday King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre waxaa hoggaaminayay Mudane Yazeed bin Abdullah, waxaana soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Jubbaland, Mudane Abdiwahab Ahmed Osman, iyadoo ay qayb ka ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga.
Waftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen Kismaayo kormeer ku tagay deegaanka Halgan/Luglow, halkaas oo uu ka socdo dhismaha 200 oo guri oo loogu talagalay dadka nugul iyo qoysaska u baahan hoyga. Kormeerka ayaa lagu qiimeeyay halka uu marayo dhismaha guryaha iyo adeegyada la xiriira mashruuca.
Booqashadan ayaa muhiim u ah xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Jubbaland, King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre iyo Hay’adda Tadamun, gaar ahaan mashaariicda bani’aadannimo, dib-u-dhiska iyo horumarinta bulshada.
Dowladda Jubbaland waxay uga mahadcelisay waftiga booqashadooda iyo taageerada ay ku bixiyaan mashaariicda lagu horumarinayo nolosha bulshada, iyadoo rajaynaysa in iskaashiga dhinacyada uu sii xoogaysto.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







