Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Ururka Duufaan, oo howlgallo sifeyn ah ka wada dhulka howdka ee Jubbada Dhexe.

0
9
Ururka Duufaan ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ayaa howlgallo sifeyn ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta ka wada dhulka howdka ah ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Taliyaha Ciidanka Duufaan ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland, Korneel Habane Xasan, ayaa sheegay in ciidamadu ay wadaan qorshe howlgal culus oo lagu sifeynayo dhulka howdka ah ee ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.
Korneel Habane ayaa xusay in howlgalka lagu beegsanayo goobaha ay kooxda ku dhuumaaleysanayso, si looga hortago khatarta ay ku hayaan shacabka iyo deegaanada ku dhow.
Wuxuu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii dhulkaasi looga saari lahaa khawaarjita.