Halyeeyada Ciidanka Dowladda Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa howlgallo sifeyn ah ka sameeyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame.

0
208
Ciidanka Jubaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa si wadajir ah u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaano katirsan Degmada Jamaame, kaas oo waxyeelo ba’an lagu gaarsiiyay Khawaarijta naf lacaariga ah.
Howlgalka oo ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday godad iyo fariisimo ay Khawaarijtu ka qoteen deegaanka, kuwaas oo ciidamada qeybahooda kala duwan ay ku guuleysteen inay cagta mariyaan, isla markaana ka saaraan argagixisada halkaasi ku dhuumaaleysaneysay. Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa burburiyay difaacyo ay cadowgu isticmaalayeen, taas oo wiiqday awooddii maleeshiyaadka Khawaarijta ee deegaanka.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu ahayd xaqiijinta amniga iyo ka hortagga falal amni darro oo Khawaarijtu ka abaabuli jireen deegaannada ku dhow Jamaame. Waxay sidoo kale xuseen in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada sifeynta ah, si loo xaqiijiyo xasilloonida Gobolka guud ahaan.
Ciidanka Jubaland ayaa mar kale muujiyay karti iyo geesinimo ay kula dagaallamayaan Khawaarijta, iyagoo ka go’an difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.