Maxkamad ku taal Liibiya oo xukuntay 37 qof oo ku eedeysan tahriibinta dadka

454

Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xabsiga dhigtay 37 qof oo lagu helay dambi ah ka ganacsiga dadka, ka dib markii ay dhinteen 11 tahriibayaal ah oo dhowaan ku qaraqmay badda Mediterranean-ka.

Shan xubnood ayaa lagu xukumay xabsi daa’in,halka kuwa kale la dulsaaray xabsi u dhaxeeya sanad ilaa 15 sano.

Dhammaan dadkaasi la xukumay ayaa lagu eedeeyay in ay ku hawlanaayeen abaabulka doon burburtay oo la rabay inay tahriibayaal u qaaddo Dalka Talyaaniga.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay dhibaatooyin kala kulmaan gacanta kooxaha mukhalasiinta iyo maamulada  xarumaha xabsiyada ee dalkaasi.

Liibiya ayaa waxaa hareeyay colaado iyo fowdo tan iyo markii xilka laga tuuray Korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.