Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda Jubbaland oo manta hortagay xildhibaanada Jubbaland

650

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawlada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdirahmaan oo ay wehlinayaan gudomiye kuxigeenadiisu ayaa Maanta Shirgudoomiyay Kal-fadhigii 4-aad Fadhigiisii 19-aad ee Golaha wakiiladda Jubbaland waxaana manta kulan goob joog ahaa 41 xildhibaan.

Kala fadhiga Golaha wakiillada Jubbaland ayaa waxaa ku saabsanaa la xisaabtanka wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Jubbaland Cabdullaahi Dubat Shiil oo loo garan ogyahay (Xadhuun).

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa waxaa su’aallo waydiinaayey xildhibaanada Golaha wakiilada Jubbaland,waxaana wasiirka dhamaan su’aalaha la waydiiyey uga jawaabay si qoto dheer.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa golaha wakiilada Jubbaland hortooda ka Jeediyey Qorshaha Sanadkaan ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland.