
Guddoomiyaha degmada Afmadow ahna duqa magaalada, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji-Maaji), ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha amniga degmada, mas’uuliyiinta maaliyadda u qaabilsan degmada, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo culimada magaalada Afmadow.
Kulankan oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim ah, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray amniga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta deegaanka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay saamaynta taban ee abaaruhu ku yeesheen deegaannada Jubbaland, gaar ahaan degmada Afmadow oo dadkeedu intooda badan ku tiirsan yihiin xoolo-dhaqashada.
Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay xaaladda bani’aadannimo ee haatan ka jirta deegaanka, maadaama ay sii kordhayaan dadka barakacayaasha ah ee ay abaaruhu saameeyeen, kuna sugan kaamamka ku yaalla degmada Afmadow.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha degmada Afmadow ahna duqa magaalada, ayaa baaq u diray hay’adaha gargaarka iyo deeq-bixiyeyaasha, isagoo ugu baaqay inay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka barakacayaasha ee ay abaartu saamaysay.















