Wasaaradda Maaliyada Jubbland oo qabatay kullan ku saabsan canshuur sanadeedka Guryaha

22

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyay arrimaha la xiriira canshuuraha guryaha.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la kordhiyo wacyiga bulshada, la hagaajiyo nidaamka ururinta canshuuraha, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta u dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo shacabka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Agaasimaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha, iyo xubno muhiim ah oo ka shaqeeya arrimaha canshuuraha.