Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Bilaawday Wacyigelin iyo Tallaal Ka Dhan ah Dabaysha

15

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Abshir Maxamed Cabdi, ayaa si rasmi ah magaalada Kismaayo uga furay ololaha wacyigelinta iyo tallaalka ka hortagga cudurka dabaysha.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF iyo WHO, iyo hay’ado kale oo bahwadaag la ah wasaaradda.

Ololahan oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa lagu wadaa in laga fuliyo dhammaan deegaanada Jubbaland, iyadoo ujeeddadiisu tahay in dhammaan carruurta ka yar da’da shanta sano la gaarsiiyo tallaalka, si looga hortago halista cudurka dabaysha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Abshir Maxamed Cabdi, ayaa ugu baaqay waalidiinta, mas’uuliyiinta deegaanka, iyo bulshada guud ahaan in ay door muuqda ka qaataan sidii tallaalka loo gaarsiin lahaa dhammaan carruurta da’da yar, si loo sugo caafimaadkooda iyo badbaadadooda mustaqbalka.