
Degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa maanta markii 2aad si rasmi ah looga daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiga sare sanad-dugsiyeedka 2024/2025.
Munaasabada daahfurka imtixaanka oo ka dhacday Dugsiga hoose dhexe sare ee IMAAMU SHAFICI ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee maamulka degmada Ceelwaaq, shukri mohamed Omar, qaar kamid ah maamulka degmada, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya iyo Iyo sidookale Dowladd-gobaleedka Jubbaland, waxaana imtixaanka ufariisatay ku dhawaad 50 arday.









