
Gudoomiyaha Degmada Afmadow Abdirahman Macalim Ali (Xaaji Maaji) iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha, iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa si rasmi ah degmada Afmadow oga daahfuray imtixaanka dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2024–2025.
Guddoomiyaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo tayada waxbarashada, isaga oo ardayda kula dardaarmay inay dedaalkooda laba jibaaraan si ay uga mid noqdaan hogaamiyeyaasha mustaqbalka ee Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Sanadkaan, ardayda degmada Afmadow ayaa si buuxda u diyaarsan si ay u gutaan imtixaanka, iyada oo Wasaaradda Waxbarashadu ay hirgelisay nidaamyo cusub oo fududeynaya habsami u socodka imtixaannada, lagana hortagayo wax kasta oo carqalad ku keeni kara geeddi-socodka.







