
Maanta oo ay taariikhdu tahay 14ka Juun 2025, Waxaa si rasmi ah uga bilowday dhammaan deegaanada Dowladda Jubaland imtixaanka fasalka 12aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.
• Imtixaanka waxaa lagu galayaa 13 xarumood oo ku kala yaalla deegaanada Jubaland.
• Tirada guud ee ardayda imtixaanka u fariisatay waa 2,095 arday, kuwaas oo kala ah:
• Wiilal: 1,363
• Gabdho: 732
Waxaa guud ahaan ka shaqeynaya imtixaanka 347 shaqaale, oo si hagar la’aan ah u fulinaya waajibaadkooda si loo xaqiijiyo guusha imtixaanka.
Dowladda Jubaland waxaa ka go’an in ay sii waddo dhiirigelinta iyo horumarinta waxbarashada sare si loo helo bulsho aqoon iyo karti leh.
Imtixaankan waxa uu ka mid yahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu hubinayo tayada waxbarashada iyo fursadaha siman ee ardayda Jubaland.











