
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay Alle ha u naxariistee General Morgan inuu ahaa mas’uul xilal kala duwan oo muhiim ah ugu soo shaqeeyay dalka, isla markaana khibradiisa dhanka amniga kusoo hogaamiyay hawlihii dhanka ciidamada ee uu soo qabtay xilligii Dowladdii Dhexe.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xusay in General Morgan uu darajooyin sare ka gaaray dhanka ciidamada iyo maamulka, gaar ahaan heer Wasiir, isla markaana uu door muuqda ka qaatay dadaalladii nabadda iyo dib u dhiska dalka kadib burburkii.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, qoyskii, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay General Morgan, isaga oo Alle uga baryay in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay.