
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa dhawaan hawlgal qorshaysan oo balaaran ka fuliyey degaannada Xal iyo Walinsoor ee ku yaalla buuraleyda Calmiskaad. Hawlgalkaas oo si gaar ah loo diyaariyey ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish.
Intii uu socday hawlgalku, waxaa la xaqiijiyey in ciidamadu ay halkaas ku dileen tiro ka mid ah maleeshiyaadka Daacish, kuwaas oo lagu helay cadeymo muujinaya inay ka mid ahaayeen xubnaha firxadka ah ee kooxdaasi. Sidoo kale, ciidamada ayaa gubay raashin iyo agab kale oo muhiim u ahaa argagixisada, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah godad loogu keydiyay.
Taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay in hawlgalkani uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo argagixisada ku dhuumaaleysanaya buuraha
Waxay sidoo kale caddeeyeen inay sii wadi doonaan hawlgallada noocan ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.




