Wasaaradda amniga Jubbaland oo amar dul dhigtay shirkadaha bixiya adeegyada ilaalada gaarka ah

36
Wasaaradda Amniga Gudaha Dawladda Jubbaland ayaa soo saartay wargelin ku socota Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya Adeegyada ilaalada gaarka ah.
Wasaaradda ayaa ku wargelisay shirkadaha in wax ka beddel lagu sameeyey Ruqsadii hore ee ay wasaaraddu bixin jirtay, isla markaana ay waajib tahay in dhammaan shirkaduhu qaataan Ruqsada cusub.
Wasaaradda ayaa xustay in dib u eegis lagu sameenayo dhamaan ruqsaddaha ay  horay u qaateen shirkadaha ka shaqeeyo adeegyada ilaalada gaarka ah, si loo xoojiyo amniga magaalada Kismaayo.