Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland oo agab gaarsiiyay 550-qof oo naafo ah

26

Wasaaradda Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xaquuqul insaanka Jubblanad iyo Hay’adda Naafada Qaranka ayaa iska kaashaday qaybinta agab muhiim ah oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, Agabkan oo ay ka faa’iideysteen 550 qof, Waxaana ka mid ahaa qalabkaan Kuraasta Dadka baahiyaha gaar qaba (Wheelchairs), Biraha Socodka, Agabka Dadka Arag La’a, iyo kuwa kale muhima u ah dadka aan lixaadkooda dhameystirneen.

Agabkaan Muhiimka ah ayaa waxaa gabagabadiisa Maanta ka faa’iideystay 550 kamid ah dadka baahiyaha gaarka qaba, iyadoo ay Munaasabada qeybinta Agabkaan ay Goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Gudoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdulle Jaamac, Gudoomiyaha Dallada Naafada Jubbaland iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda Haweenka, Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowlada jubbaland.