
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Xuseen Baraki, oo ay wehliyaan Maamulka Degmada Dhoobley, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Maxamed Axmed (Qase), iyo injineerada wasaaradda, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay mashaariicda biyaha ee ka socda Degmada Dhoobley.
Mashaariicdan ayaa haatan maraya heer gabogabo ah, iyada oo xoogga la saarayo horumarinta iyo dib-u-habaynta adeegyada biyaha ee degmada.
Maamulka Degmada Dhoobley ayaa sidoo kale la wadaagay wafdiga muhiimadda mashaariicdan ay u leeyihiin bulshada deegaanka, iyadoo la rajeynayo in ay wax weyn ka tari doonaan baahida biyaha ee Degmada.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jubbaland ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah, si bulshada Gobolka ay u helaan Biyo nadiif ah iyo Tamar ku filan.