Wasiir ku xigeenka Amniga Jubbaland oo kullan la qaatay hay’adaha UNDP iyo IOM

26

  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Dawladda Jubaland, Mudane Aaden Axmed Xaaji, oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Booliska Jubadda Hoose, Gaashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Aminga, ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday hay’adaha UNDP iyo IOM oo ka shaqeeya arrimaha socdaalka iyo horumarinta.

Kulanka ayaa si qoto dheer looga hadlay Iskaashiga Labada dhinac iyo sidii loo midayn lahaa dadaallada Nabadaynta Ee ka socda Jubaland, Waxa si gaar ah diiradda loo saaray sidii hay’adahaasi u xoojin lahaayeen taageerada ay siiyaan Booliska Jubaland, si kor loogu qaado tayada shaqo iyo amniga guud ee gobolka.

Madaxda ayaa ku heshiiyay in la dardargeliyo fulinta mashaariic waxtar leh oo qayb ka qaadanaya horumarinta hay’adaha Amniga, gaar ahaan Booliska Jubaland, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Deegaanada Jubaland