
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Diiriye (Caraale), oo ka mid ahaa xubnihii Golaha Wakiillada 1-aad ee Jubaland.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumka uu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha Dowladnimada Jubaland, isagoo muddadii uu ka tirsanaa Golaha Wakiillada qabtay shaqooyin qiimo leh oo muhiim u ahaa Dowlad-dhiska Jubaland.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Axmed Cabdi Diiriye (Caraale), isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Jubaland.