
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Beeraha ee dowladda Jubbaland ayaa si rasmi ah ula wareegtay lix gaari oo ay ugu deeqeen deeq-bixiyayaasha caalamiga ah.
Gawaaridan, oo kala ah laba Hardtop ah iyo afar Qooqaan ama Toyota
Gawaridani oo ah kuwa logu adeegi dono bulshada reer jubbaland gaar ahan dhanka adeegyadooda la xiriira horumarinta xoolaha iyo beeraleyda Degaanaa Jubbaland.
Wasiirka wasaaaradda xananaada xollaha dhirta iyo Daqa dowladda Jubbaland iyo wasiirka wasaaaradda beeraha iyo warabka dowladda Jubbaland ayaa labaduba si wadajir ah u guddoomay gaadiidka, iyaga oo uga mahadceliyey deeq-bixiyayaasha taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Jubbaland.
Deeqdan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira xannaanada xoolaha iyo beeraleyda, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Jubbaland.
Gawaaridan cusub ayaa loo adeegsan doonaa in lagu gaaro deegaannada fogfog si loola socdo xaaladaha xoolaha, loona dhiirrigeliyo tacabka beeraha, taasoo gacan ka geysan doonta kobcinta wax soo saarka gudaha iyo sugnaanta cuntada.
Wasiirka wasaaaradda beraha iyo warabka dowladda Jubbaland
Gelle Muxumed Adan ayaa oga mahadceliyaay Deeq-bixiyayaasha caalamiga ee gawaaridan manta ugu Deeqday.
Wasiirka wasaaaradda xananaada xollaha dhirta iyo Daqa dowladda Jubbaland
Maxamed Nuur Cali ayaa sheegaay in ay gawaaridan logu Adeegi dono xollaha iyo beeraleyda isagona sheegaay in ay ka go’aan tahay Hormaarinta wasaaaraddaha iyo bulshada Reer jubbaland.
Ugu dambayn, madaxda wasaaradaha ayaa ballan qaaday inay si hufan u maamuli doonaan gaadiidka, iyaga oo tilmaamay in ay qorsheynayaan in si siman loogu qeybiyo adeegyada kala duwan ee wasaaradaha.
Waxay kaloo ugu baaqeen deeq-bixiyeyaasha kale in ay sii wadaan taageeradooda si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hanaqaada Jubbaland.