
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed Handal, iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose, halkaas oo uu kula kulmay Guddoomiyaha Deegaanka Diif, Cabdi Daahir Nuuriye, iyo Taliyaha Ciidanka Amniga Deegaanka, Nuur Maxamed Cabdille (Nuur Fanax).
Intii uu socday kulanka, Wasiirka iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha, xoojinta maamulka dakhliga, iyo sare u qaadista adeegyada dowladeed ee deegaanka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Xafiiska Dakhliga ee deegaanka Diif, kaasoo lagu maamuli doono dakhliga gudaha. Sidoo kale, xafiisyada Guddoomiyaha Deegaanka iyo Taliyaha Ciidanka Amniga Deegaanka ayaa qeyb ka ah dhismayaashan, waxaana la qorsheynayaa in la dhammeystiro muddo kooban si loo dar-dar-galiyo adeegyada dowladda, loona xoojiyo maamulka maaliyadeed iyo amniga deegaanka.
Dhismayaashan ayaa laga maalgeliyay dakhliga gudaha ee Dowladda Jubaland
Sidoo kale, Wasiirka ayaa masuuliyiinta deegaanka ku wareejiyay laba booyadood oo biyo dhaamin ah si wax looga qabto baahiyaha biyo ee ka jira deegaanka Diif.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jubaland ayaa wada dadaallo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta adeegyada dowladeed, si loo hubiyo in bulshada Jubaland ay helaan adeegyo tayo leh oo ka tarjumaya baahiyahooda.




